Guurkii Rasuulka iyo Khadiija –QEYBTII 7

47 total views, 2 views today

Magaalda Makkah Waxa Ku Noolayd Gabadh Haweena Oo Nasab Iyo Sharafba Ku Lahayd Dhexdooda Sidoo Kale Waxay Lahayd Hanti  Kana Shaqayn Jirtay Ganacsiga Waa Hooyadeen Khdiija Bintu Khuweylid.

Maadaama Ay Maalqabeen Ahayd Waxay U Dirsan Jirtey Ganacsiga Dhulka Shaam Si Ay Xoolaha Uga Baayacmushatarayso. Maalintii Danbe Ayaa Wilkii U Shaqayn Jirey Ee Maysara Ayaa Uga Waramay Muhammad Inuu Yahay Aamin Looguna Jacayl Badanyahay Magaalada Makkah.

Maysara Wuxuu U Tagay Nabi Muhamad Waxaanu Uga Warramay Arrinta Ganacsiga Ee Ay Khadiijo Usoo Bandhigtay Waanu Ka Ajiibay.

Nabigu Waxa Uu La Wareegay Xoolihii Ku Jihaysnaa Dhulka Shaam Waxaana Raacay Maysara. Jidka Markay Marayeen Ayuu Maysara Arkay Arrin Ka Yaabisay, Waxa Uu Arkay In Muhammad Dushiisa Ay Hadhaynayso Daruuro Ayadoo Waqtigu Yahay Kulayl.

Markay U Dhowaadeen Dhulka Shaam Ayuu Nabigu Fadhiistay Geed Hoostii, Geedkana Waxa Ku Barbar Yaalay Dayr Lagu Cibaadaysto Waxaana Joogay Nin Raahib Ah Kadibna Wuu Soo Baxay Isagoo Ku Dhagagsan Ninka Fadhiya Geedka, Si Kastaba Ha Ahaatee Raahibkii Ayaa La Hadlay Maysara Oo Ku Yidhi Ninkaas Maad Garan?  Waxaanu Maysar U Sheegay Inuu Yahay Muhammad Ibnu Cabdullahi.

Raahibkii Inta Uu Dhaartay Ayuu Yidhi Ruux Kumuusan Dagin Geedkaas Hadduuse Ku Dago Waan Nabi Ka Mid Ah Nabiyada.

Isla Marii Ay Soo Noqdeen Oo Ganacsigii U Midho Dhalay Ayuu Maysara Uga Warramay Khadiija In Uu Ku Arkay Muhammad Arrimo Layaab Leh Sidoo Kalena Waxa Uu Usheegay In Uu Fadhiistay Geedkii Nabiyada.

Markay Kahdiija Maqashay Ayaa Qalbigeedu Cajab Geliyey Nabiga (N.N.K.H) Waxaanay U Bandhigtay Guur. Nabiguna Sidoo Kale Waxa Uu Ubandhigay Adeeradii Waanay Ka Aqbaleen Soona Dhoweeyeen Ayaga Oo Mabsuudsan.

Nabiga Waxa Raacay Adeerkii Xamse Ibnu Cabdul-Mudalib Waxayna U Tagaan Khadiija Aabaheed Khuweylid Si Ay Uga Mahersadaan. Khuweylidna Arrinkii Waa La Dhacay Oo Waa Soo Dhoweeyey Waana Laysu Maheriyey Sidaasbaanay Ku Aqal Galeen. Maherkii Lagu Maheriyey Khadiija Waxa Uu Ahaa Labaatan Halaad Oo Geela.

Nabiga Iyo Khadiija Waxay Ku Noolaayeen Nolol Macaan Oo Ku Dhisan Diinta Islaamka Iyo Akhlaaqdii Rasuulka (N.N.K.H) Khadiija Waxay U Dhashay Nabiga Dhammaan Ubadkiisa Marka Laga Reebo Ibraahim Oo Ay Dhashay Mariya. Ubadkii Rasuulka Waxay Kala Yihiin ( Saynab, Umu Kaltuum, Ruqiya, Fadima, Qaasim, Cabdullahi Iyo Ibraahim)

ka Akhriso

halkaan ka akhriso Qeybtii 5

halkaan ka akhriso Qeybtii 4

halkaan ka akhriso Qeybtii 3