Gudoomiye Jawaari Oo Saxiixay Heshiis Lagu Dhisayo Villa Hargeysa+(Daaawo Nagshada Noodhisaayo)

27 total views, 1 views today

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ayaa Maanta Soo Bandhigay Heshiis Ay Isla Maanta Kala Saxiixdeen Dowladda Turkiga Kaas Oo Lagu Dhisayo Xarunta KMG Ah Ee Golaha Shacabka Soomaaliya Ee Ay Hadda Ku Shaqeeyaan.

Gudoomiye Jawaari Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay In Heshiiskaas Lagu Dhisaayo Xarunta Ay Hadda Ku Shaqeeyaan Uu Qaadanayo Muddo Gaareysa 5 Bilood Isaga Oo Xusay In Kaddibna La Dhisaayo Xarunta Guriga Umadda Ee Uu Baarlamaanka Leeyahay.

Dhinaca Dowladda Turkiga Waxaa U Hadlay Danjiraha Turkiga Ee Soomaaliya Oo Isna Sheegay In Dowladda Turkiga Ay Garab Taagan Tahay Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ayaa Sheegay In Hay’adda TIKA Ay Dhiseyso Golaha Shacabka Soomaaliya Isaga Oo Sheegay In Marka La Dhiso Xarunta Weyn Ee Guriga Umadda Ay Halkaas U Guuri Doonaan Golaha Shacabka.

Dhismaha Xarunta Golaha Shacabka Ayaa Noqon Doona Todobo Dabaq Oo Xildhibaan Kasta Uu Ku Yeelan Doono Xafiis Uu Ku Shaqeeyo, Sida Qorshaha Uu Yahay.