Gudoomiyaha Aqalka sare oo ku baaqay in la joojiyo Dagaal beeleedka ka taagan Sool.

21 total views, 1 views today

Cabdi Xaashi C/llaahi  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Dhumay, ,wuxuuna tacsi u diray eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dagaaladaasi.

Gudoomiyaha  ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in xilligan la daadiyo dhiig shacab badalkii nabada laga shaqeyn lahaa.

Dhinacyada dagaalanka u dhexeeya ayuu  ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan  ay u joojiyaan dagaalka, islamarkaana xabad joojin deg deg ah ay ku dhawaaqaan.

“ Waxaan tacsi u dirayaa Ehalada dadkii ku dhammaaday deegaanka Dhumay,waa nasiib daro in xilligan dagaal sokeeye oo dad walaalo ah u dhaxeeyo soo cusboonaado,waxaan u soo jeedinayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka iney u istaagaan sidii dagaaladaasi lagu joojin lahaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka sare oo hadalkaan ka jeediyay shirka Guud ee Golaha Aqalka sare oo maanta ka dhacay xarunta Golaha.

Waxaa weli isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka dhumey ee Gobalka Sool.