Gudiga Doorashooyinka Heer Qaran Oo Kudhawaaqay Qabashada Araajida doorashada ….

20 total views, 1 views today

Guddiga doorashada heer qaran ayaa maanta Jowhar ugaga dhowaaqay in la bilaabayo qabashada araajida musharaxiinta u tartamaysa doorashada kursi ka mid kuraasta Golaha Shacabka, kaasoo uu horay u waayay C/llaahi Sanbaloolshe, kaddib markii uu noqday Taliyihii NISA.

Xaliimo Ismaaciil oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada heer qaran oo shalay gaartay magaalada Jowhar ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Jowhar waxa ay ku sheegtay in laga bilaabo maanta oo ah 3da bisha Janaayo 2017 ay soo gudbin karaan musharaxiinta u tartamaysa kursigaas.

“Laga bilaabo maanta oo ah 3-da bisha Janaayo sanadka 2017 waxaa la bilaabay qabashada araajida musharaxiinta waxayna socon doonta qabashada araajida illaa iyo 10ka bishan.”ayay tiri Marwo Xaliimo Yarey guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaran.

Musharax walba waxaa laga doonayaa inuu u soo gubiyo guddiga doorashooyinka arjiga ka qeybgalka doorashada waxaana laga doonayaa musharaxiinta ragga ah, 5,000 oo dollar musharaxa dumarka ahna $2,500.

Musharaxiinta xilkan doonaya inay u tartamaan ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Sanbaloolshe, oo hore ugu guuleystey sanadkii hore isla kursigan, balse waayay markii uu noqday taliyaha ciidamada nabadsugida Soomaaliyeed, waxaa kale oo wararka ay sheegayaan in uu yahay musharax kursigan Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Daahir Cabdulle Cawaale oo ka mid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabelle iyo qaar kale.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer qaran Marwo Xaliimo Yareey ayaa shalay soo gaartay magaalada Jowhar, iyadoo kulamo la yeelatay Madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.