Gudiga dib u eegista dastuurka oo sheegay in dhib ay kala kulmeen khilaafka dowladda iyo Maamul gobaleedyada.

492 total views, 1 views today

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista dastuurka u qaabilsan baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in saameyn weyn uu ku reebay dib u eegista dastuurka lagu sameynayay khilaafka u dhaxeeya dowladda soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Senator Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in cutubyadii ay diyaariyeen ee la doonayay in la geliyo wada tashi dadweyne ay garwaaaqsadeen labada guddi ee dib u eegista dastuurka qaabilsan in la hakiyo inta uu jiro khilaafka dowaldda iyo maamul gobaleedyada loona baahanyahay in xalkeeda la gaaro.

Sidoo kale Senator Xuseen Sheekh Maxmauud ayaa hoosta ka xariiqay in hannaanka loo marayo qabyo tirka dastuurka dalka ay ku kala aragti duwanaadeen iyaga iyo xukuumadda soomaaliya, balse ay rajeynayaan inuu soo dhaamaado.