Guddoomiyaha Ururka Haweenka Ee Baarlamaanka Oo Loo Doortay Xildhibaan Drs. Mina Xasan Shibis…

19 total views, 1 views today

Xildhibaan Drs. Mina Xasan Shibis Ayaa Maanta Loo Doortay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Ee Baarlamaanka, Kaddib Doorasho Ka Dhacday Xarunta Villa Hargeysa Ee Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho.

Doorashada Ayaa Waxaa Ku Tartamay Saddex Musharax Oo Kala Ah Drs Mina Xasan Shibis, Maryam Xaaji Cabdi Iyo Sareeda Maxamed Cabdalla.

55 Xildhibaan Oo Ahaa Haweenka Labada Gole Ee Baarlamaanka Federaalka Ayaa Soo Xaadirtay Doorashada Kursigan, Iyadoo Codod Dhan 29 Ay Heshay Xildhibaan Drs. Mina Xasan Shibis.

Sidoo Kale Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka Iyo Xoghayaha Guud Oo La Sameeyay Ayaa Waxaa Ku Soo Kala Baxay Xildhabaan Canab Xasan Cilmi Oo Noqotay Guddomiye Kuxigeen Iyo Xildhibaan Caasho Koos Oo Ku Guuleeysatay Xilka Xoghayaha Guud.

Xildhibaanad Drs Mina Xasan Shibis Oo Leh Aqoon Iyo Waaya Aragnimo Ayaa Lagu Xasuustaa Hoowlaheedii Samafaleed Oo Ay Ka Soo Shaqeysay Sida Agaasinkii Isbitaalka Keysaney Oo Ay Ka Soo Noqotay Agaasime Iyo Sidoo Kale Xiriiriye Guud Oo Ay Ka Ahaan Jirtay Uruka ICRC Soomaaliya, Sidoo Kale Waxay La Soo Shaqaysay Wasaaraddii Haweenka Iyadoo Qayb Ka Ahayd Diyaarinta Siyaasasdo Iyo Sharciyo La Xiriira Xuquuqul Insaanka Iyo Horumarinta Haweenka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.