Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Shariif Xasan Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Xudur…

17 total views, 2 views today

(Warqaat.com)—Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan Iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa Maanta Ku Wajahan Magaalada Xudur Ee Xarunta Gobalka Bakool.

Madaxdaan Oo Ay Wehliyaan Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Dfs Iyo Maamulka Koofur Galbeed Ayaa Booqanaya Magaalada Waxayna La Kulmi Doonaan Saraakiisha Amaanka, Iyo Qeybaha Bulshada Iyagoo Ka Wareysan Doona Xaaladda Deegaanka.

Degmada Xudur Ee Xarunta Gobalka Bakool Wax Kabadan Shan (5) Sano Ayey Go’doon Ugu Jirtaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab, Dadka Ku Nool Xudur, Waajid Iyo Degmooyin Kale Oo Gobalka Ka Tirsan Ayaa Wajahaya Xaalad Aad U Adag Oo Dhinaca Bini-Aadinimada Taas Oo Ka Dhalatay Go’doonka Gobalka Saaran.