Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed Oo Dalbaday In Amniga Caasimada Lagu Wareejiyo…

18 total views, 1 views today

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed Ayaa Mar Kale Dalbaday In Si Toos Ah Maamulkiisa Loo Hoos-Keeno Ciidamada Ammaanka, Si Wax Looga Qabto Xaalada Amniga Caasimada Muqdisho.

Xeer Lambar Laba Ee Soo Baxay Sanadkii 1963 Ayaa Amraya In Hay’adaha Amaniga Gobolka Ay Hoos Yimaadaan Maamulka Gobolka.

Guddoomiye Taabid Oo Ka Hadlayay Munaasabadda Maalinta Ciidanka Booliska Ayaa Sheegay Baahida Loo Qabo In Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Ammaankiisa La Is Waafajiyo, Si Loo Helo Isla Xisaabtan Dhab Ah Oo Dhanka Ammaanka.

“Waxaan Daadejiinnay Awoodda Maamul Ee Dhammaan Qeybaha Gobolka Benaadir, Taas Waxaad Ka Arkeysaan Horumarka Aan Dhan Walba Ka Sameynay. Waxaan Rumeysannahay Haddii Awoodda Amniga Sidaas Oo Kale Loo Daadejiyo In Aan Horumar La Taaban Karo Ka Sameyneyno Waliba Muddo Kooban” Ayuu Yiri Guddoomiye Taabid.

Guddoomiye Taabid Ayaa Dhowaan Soo Bandhigay Barnaamij Loo Bixiyay “Isha Xaafadda” Oo Isku Xiraya Hay’adaha Ammaanka Iyo Shacabka Reer Muqdisho, Kaasoo Ka Soo Billaabanaya Tabbeelle, Waax, Xaafad Ilaa Degmo, Waxaana Ciidamada Booliska Iyo Nabad Sugidda U Suurtagelinayo In Ay Xog Ka Helaan Shacabka.

“Ma Aha In Aan Maalin Walba Daawnno Dhibaatooyinka Dadka Reer Muqdisho Ku Dhaca Oo Cadowgu Geeysanayo, Waxaan La Nimid Qorshe Cad Oo Isla Xisaabtan Leh Oo Aan Ammaanka Muwaadiniinta Ku Ilaalineyno, Waxaan Codsaneynaa In Nalagu Tixgeliyo”Ayuu Yiri Guddoomiye Taabid.

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Iyo Kuwa Nabad Sugidda Ayaa Iminka Hoos Yimaada Talisyadooda Dhexe, Taasoo Meesha Ka Saartay Xiriir, Wada Shaqeyn Iyo Isla Xisaabtan Dhex Mara Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.