Daawo Sawirada: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

20 total views, 1 views today

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Mudug, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shirka lagu mideynayo maamulada Ahlusuna iyo Galmudug oo bilo ka hor heshiis ku gaaray Jabuuti.

Guddoomiye Taabid ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb Sheekh Maxamed Shaakir, Mas’uuliyiin, odayaal dhaqameed iyo qeybaha bulshada.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan ay gaaran Dhuusamareeb Madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo Madaxweyne Farmaajo oo xilligan booqasho ku maraya deegaanada Galmudug uu u soo gudbi doono Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxda imaaneysa, waxaana tan iyo shalay ku qulqulayay mas’uuliyiin kala gedisan oo isugu jiray Xildhibaano, siyaasiyiin, saraakiil ciidan hore, oday dhaqameedyo.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayeen Ahlusuna ayaa la adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay qeybaha laga soo galo magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.