Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Eedeymaha Sheegaya In Codadka Lagu Shubtay…

21 total views, 1 views today

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland C/Qaadir Iimaan Warsame Ayaa Si Kulul U Beeniyay Wararka Sheegaya Doorashadii Isniintii Ka Dhacday Somaliland Lagu Shubtay.

C/Qaadir Iimaan Warsame Ayaa Qalad Ku Tilmaamay Dadka Qaar In Ay Baraha Bulshada Soo Dhigaan In Ku Shubasho Ay Dhacday, Wuxuuna Ku Baaqay In Natiijada Kama Dambeysta Ah In Looga Dambeeyo Guddiga Doorashada.

Sidoo Kale C/Qaadir Iimaan Warsame Ayaa Sheegay Xisbi Kasta Oo Cabasho Qaba Ay Diyaar U Yihiin In Ay Xaliyaan, Wuxuuna Shacabka Ka Dalbaday In Ay Isdejiyaan, Xilligana Aanan Loo Baahneyn Rabshado Iyo In Qalalaase La Abuuro.

Waxaa Dhinaca Kale Si Kulul U Beeniyey Eedeyn Ka Timid Xisbiga Wadani Oo Sheegeysa In Sanaadiiqda Codbixinta Laga Helay Waraaqo La Been Abuuray.

“Waa Been Aan Raad Laheyn Warkaas, Cidii Sheegtay Waxaa Laga Rabaa Iney Cadeeyaan Haddii Ay Cadeyn Waayaana Dacwad Baanu Ka Nahay Oo Sharcigaanu Ku Kala Baxeynaa, Waraaqaha Codeynta Maaha Kuwo La Been Abuuri Karo, Wax Dhici Karana Maba Ahan” Ayuu Yiri C/Qaadir Iimaan Warsame.

Dhowr Qof La Sheegay Inay Ku Dhimatay Shaqaaqooyin Xalay Fiidkii Ka Kala Dhacay Magaalooyinka Burco Iyo Hargeysa Ka Dib Markii Ay Fooda Isdareen Taageeyaasha Xisbiga Wadani Oo Careysan Iyo Ciidamada Amaanka

Shaqaaqooyinkan, Ayaa Waxay Ka Dambeeyeen Markii Ay Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ay Shaaciyeen In Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Uu Ku Shubtay Doorashadii Maalintii Isniintii Dhacday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.