Guddiga Doorashada Somaliland Iyo Murashaxiinta Madaxweyne Oo Ku Shiraya Hargeysa.

22 total views, 1 views today

Wararka Naga Soo Gaaraya Magaalada Hargeysa Ayaa Sheegaya In Maanta Magaalada Ay Kulan Ku Yeelihiin Sedexda Xisbi Ee Ka Qeyb Galay Doorashada Soomaaliland Iyo Gudigga Doorashada,Iyagoona Ka Wada Hadli Doono Sidii Ay Ugu Qanci Lahaayeen Natiijada Doorashada.

Gudigga Doorashada Soomaaliland Ayaa Wado Qorsho Looga Dhaadhicin Lahaa Xisbiyada Kala Wadani,Kulmiye Iyo UCID Inay U Hogaansamaan Nidaamka Doorashada,Islamarkaana Ay Soo Dhaweeyeen Go’aan Kasta Oo Ka Soo Baxa Gudiga.

Hayeeshee Waxaana La Ogeyn Inay Ku Qanci Doonaan Axsaabta Siyaasadeed Ee Ka Jira Deegaanada Soomaaliland Natiijada Ugu Dambeysa Ee Ka Soo Bixi Doonto Doorashada.

Shalay Ayay Aheyd Markii Gudiga Doorashada Soomaaliland Ay La Kulmeen Xisbiga Wadani Oo La Sheegay In Cabashooyin Ay U Gudbiyeen Gudiga,Kaasi Oo Ku Aadan In Ku Shubasho Ay Jirtay Doorashada Soomaaliland,Islamarkaana Musuq-Maasuq Ay U Dheereed Doorashada.

Dhawaan Ayaa La Filayaa In Lagu Dhawaaqo Natiijada Doorashada Soomaaliland,Iyadoona Inta Badan Dadka Ay Aad U Dhowrayaan Natiijada Ka Soo Bixi Doonto Doorashada.

Balse Lama Oga Sida Ay Noqon Doonaan Dadka Soomaaliland,Hadii Lagu Dhawaaqo Doorashada Soomaaliland,Inkastoo Maalmihii La Soo Dhaafay Rabshado Ay Ka Dhaceen Magaalooyinka Hargeysa Iyo Burco,Taasi Oo Dhacday In Dad Badan Ay Ku Dhintaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.