Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay

21 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—C/qaadir Shariif Sheekunaa, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed  ayaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ka kooban 27 xubnood.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Guddiggaan ka kooban  27 Xubnood,loogu tala galay qabashadda  Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Bisha soo socota 17-keeda lagu wado inay dhacdo.

Gudigan oo Xildhibaanada la horgeeyay, ayaa Xildhibaanada waxa ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh, waxaana ogolaatay 93 xildhibaan , halka 13 Xildhibaan ay diideen.