Guddiga Difaaca Baarlamaanka Oo Maanta Kullan Ka Yeelanaya Darbiga Kenya

21 total views, 1 views today

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay maanta kulan ka yeeshaan Darbiga dowladda Kenya ay marineyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhanka Degmada Balad Xaawo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dadka Shacabka ah ee degmada Baledxaawo, waxa ay walaac ka muujinaayay Xaaladda degmadaasi, Maadaama Gudaha degmada ay dowladda Kenya ay waddo burburin.

Waxaa jiray isku dhac dhanka dadka deegaanka ah iyo Ciidamada Kenya ee Ilaalada ka haya Shaqaalaha ku howlan dhismaha Darbiga.

Kenya ayaa horay u bilawday dhismo darbi ay ku wareejineyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay kaga hor tageyso Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Gudaha dalkeeda, iyagoo ka gudbaya Xuduudda.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in darbiga ay uu soo dhaafay goobihii lagu tala galay in laga dhiso waxgaradka degmada ayaa dowladda iyo maamulka Jubbaland ka codsaday in arintaasi wax laga qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.