Golaha Wakiilada Somaliland oo Shaki ka muujiyay Heshiiskii Saami qeybsiga Dekeda Berbera.

17 total views, 1 views today

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa diidmo kala hor yimid heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray Maamulka Somaliland, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Shirkadda DP-World ee Imaaraatka laga leeyahay.

Xildhibaano ay kamid yihiin C/raxmaan Cismaan Maalin, Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Axmed Ducaale iyo kuwo kale ayaa kasoo horjeystay heshiiskii Saami qeybsiga Dekeda Berbera.

Waxa ay shaki galiyeen warqadaha Heshiiska ah ay kala saxiixdeen saddexda dhinac, iyagoona tilmaamay in aanan u qorneen hab Sharci ah, waxyaabo badanna lagu qarinayo heshiiska sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayay ku qasbeen in uu dib ugu laabto warqadihii heshiiska Saami qeybsiga, dibna uu ugu gudbin doono Golaha wakiilada oo ku ballamay fadhi kale oo aanan gudoonka shaacin xiliga uu dhaco.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dood adag kala hortagay Wasiir Sacad Cali Shire, waxayna sheegeen in heshiiskaasi wadada loo maray aanan aheyn mid sharci ah sida ay hadalka u dhigeen.

1-dii Maarso Sanadkaan waxaa heshiis saddex geesood ah kala saxiixday Shirkadda DP-World, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, waxa ayna ku qeybsanayeen Saami qeybsiga Dekeda Berbera.

Wixii xiligaasi ka dambeysay waxaa jiray Guux badan oo kasoo yeerayay Dowladda Federaalka iyo Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland, maadaama Golohu ay leeyihiin Meel marinta heshiisyada Xukuumadda ay soo gaarto.