Garoonka Stamford Bridge Oo Lagu Dhisi Doono HAL Bilyan Oo Ginni, Kaalintee Ayuuse Ka Geli Doonaa Liiska Garoomada Ugu Qaalisan Yurub?

24 total views, 2 views today

Chelsea Ayaa Laba U Jibbaartay Qiimaha Ku Bixi Doona Dhismaha Garoonkeeda Cusub Ee Stamford Bridge Stadium – Waxaana Haatan Ku Bixi Doona HAL Bilyan Oo Ginni, Taasoo Garoonka Chelsea Ka Dhigi Doonta Kan Ugu Qaalisan Yurub.

Roman Abramovich Ayaa Wuxuu Dhowaan Wadahadallo La Yeeshay Ganacsade U Dhashay Dalka Shiinaha, Wuxuuna Kala Hadlay Qaabkii Ay 500 Milyan Oo Ginni Ugu Qarash Gareyn Lahaayeen Dhismaha Lagu Hormarinayo Stamford Bridge.

Qiimaha Markii Hore Loogu Talogalay Wuxuu Ahaa 500 Milyan Oo Ginni, Iyadoo Maamulka Chelsea Ay Xaqiijiyeen Arrintaan Markii Ay Heleen Ruqsadda Ay Ku Dhisi Karaan Stamford Bridge Bishii Jannaayo Ee Horraantii Sannadkaan.

Laakiin Hadda Kooxda Roman Abramovich Ayaa Qiimaha Laba U Jibbaartay, Waxaana Uu Garoonka Kooxda Difaacaneysa England Premier League Noqon Doonaa Midka Ugu Qaalisan Yurub, Iyadoo Uu Qaadi Doono In Ka Badan 60 Kun Oo Shaqsi Marka Dhismaha Lagu Dhammeeyo 2024ka.

Chelsea Ayaana Ku Ciyaari Doonta Garoon Kale Muddo Afar Sanno Ah, Iyadoo Ay U Badan Tahay Inay Ku Ciyaaraan Garoonka Xulka Qaranka England Ee Wembley Stadium Mudada La Dhisayo Garoonkeeda Rasmiga Ah.

SHANTA GAROON EE UGU QAALISAN YURUB

  • Garoonka Cusub Ee Tottenham (Weli Magac Looma Bixin) — £800 Milyan Oo Ginni
  • Emirates Stadium (Arsenal) — £616 Milyan Oo Ginni
  • Etihad Stadium (Manchester City) — £507 Milyan Oo Ginni
  • Old Trafford (Manchester United) — £411 Milyan Oo Ginni
  • Allianz Arena (Bayern Munich) —£380 Milyan Oo Ginni

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.