Ganacsatada qaadka ka soo gata gobolka Miruu ee Muqdisho keena oo shaqo joojin sameeyay

16 total views, 1 views today

Ganacsatada Kenyaanka iyo Somalida ee Beeraha Gobolka Miruu Qaadka ka soo iibsan jiray ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin kaddib markii qiimaha qaadka la keeno Muqdisho uu sare u kacay.

Ganacsatada ayaa kulan ay ku yeesheen Xaafadda Islii ee Nairobi ku yeeshay waxaa ay ku sheegeen in Qaadkii Gobolka Miruu ay ka iibsan jireen uu sare u kacay islamarkaana qiimaha ay ka siiyaan beeraleyda aysan kaga heleyn Magaalada Muqdisho sidaas darteedna ay joojiyeen soo iibinta qaadkaas.

100kg  ee Qaadka ah ayaa hadda Gobolka Miruu ka maraya 160,000 oo shilinka Kenya ah iyada oo mar kaliya ay ku korodhay lacag ka badan 20,000 oo Shilka Kenya ah,taas oo sababtay in Ganacsatada ay walaac ka muujiyaan.

Qaadka Kenya ee Gobollada kale ee Soomaaliya la geeyo ayaa sidiisii u socda iyada oo aysan qiimahiisu waxba iska beddelin halka Qaadka Muqdisho la keeno Beerahana qaali ka noqday Muqdishana aan looga heleyn qiimaha beeraleyda laga soo siiyo.

Guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka Kenya  Kimathi Munjuri,ayaa ugu baaqay hay’adda Beeraha Kenya ee AFA,ay arrintan farageliso islamarkaana ay arrintan wax ka qabato.

Sababta qiimaha qaadka sare u qaadday ayaa lagu sheegay in Roobka ay ku beeran jireen Qaadka uusan u di’in sidii hore taas oo sababtay in tiro yar oo Qaad ah uu soo go’o islamarkaana ay hadda u baahanyihiin xal in arrintan laga gaaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.