Ganacsade Goordhow Lagu Dilay Magalada Muqdisho

23 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Kooxo Ku Hubeysnaa Bastoolado Ayaa Goordhow Suuqa Degmada Xamarweyne Ee Gobolka Banaadir Waxa Ay Ku Dileen Mid Kamid Ah Ganacsatada Suuqaasi.

Dad Goobjoogayaal Ah Ayaa warqaat U Sheegay In Ganacsadaha Lagu Dhex Dilay Carwo Uu Ku Lahaa Suuqa Xamarweyne,Isla Markaana Lagu Magacaabi Jiray Maxamed C/Qaadir Jeeylaani

Sidoo Kale Waxaa La Sheegay In Ruuxa Dilka Loo Geystay Uu Ahaa Wiil Dhalinyaro,Waxaana Goobta Uu Dilka Ka Dhacay Durbo Ka Baxsaday Ragii Ka Dambeeyay Dilka.

Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Ayaa Waxaa Mararka Qaar Ka Dhaca Dilal Qorsheysan Oo Loo Geysto Askarta Ka Tirsan Ciidamada Dowlada Iyo Dadka Shacabka Ah.