Gabar Wariye Ah Oo Inta Ciidan Loo Adeegsaday Jirdil Iyo Xabsiga La Isugu Daray Jowhar..(SAWIRRO)

20 total views, 1 views today

Ciidamada Amaanka Degmada Jowhar Ayaa Maanta Xabsiga Dhigay Gabadh Wariyaha Oo Lagu Magacaabo Iqra C/Llaahi Raage Iqro Ladan Oo Ah Wakiil Wareedka Jowhar U Jooga Somali Cable Tv Oo Fadhigiisa Uu Yahay Magaalada London.

Gabadha Wariyaha Oo Aan La Ogeyn Sababta Loo Xiray Ayaa Hadana Waxaa Loogu Sii Daray In Jirdil Loo Geysto,Islamarkaana Loo Adeegsado Ciidamo Boolis Ah.

Lama Oga Waxay Galabsatay Wariyada Balse,Waxaa La Sheegayaa In Jirdil Loo Geystay Uu Ka Danbeeyo Taliyaha Saldhiga Degmada Jowhar Oo Hadda Sawirkiisa Hoos Ka Aragtaan.

Wali Kama Hadlin Maamulka Degmada Jowhar Iyo Kan Gobolka,Balse Waxay Arintaan Sii Xoojineysa Dhibaatooyinka Lagu Hayo Wariyaasha Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.