Gaari Shacab Oo La Rasaaseeyay, Dhimasho Iyo Dhaawac Kadhashay…

21 total views, 2 views today

Wararka Naga Soo Gaaraya Deegaano Ka Tirsan Gobolka Hiiraan Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Khasaaro Dhamasho Dhaawac Ah Uu Ka Dhashay Gaari Lagu Rasaaseeyay Deegaano Ka Tirsan Gobolkaas.

Gaarigaan Ayaa Ka Tegay Magaalada Muqdisho,Waxaana La Sheegay In Uu Ku Sii Jeeday Deegaano Ka Tirsan Isla Gobolka Hiiraan Balse Markii Uu Marayay Deegaanka Caloola-Cad  Ay Koox Hubeysan Ay Rasaaseeyeen.

Wararka Aan Heleyno Ayaa Waxa Ay Sidoo Kale Sheegayaan In Rasaastaas Ay Ku Geeriyootay Haweeney Ka Mid Aheyd Rakaabka Halka Ruux Kale Uu Ku Dhaawacmay,Isla Markaana Goobta Ay Ka Baxsadeen Maleeshiyadkii Rasaasta Ku Fury.

Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Aan La Xiriirnay Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Haatan Ay Baadi Goob Ku Hayaan Maleeshiyaadkii Gaarigaasi Rasaaseeyay Oo Ilaa Iyo Hadda Aan La Garaneyn Waxa Ay Ahaayeen.

Badi Wadooyinka Aada Gobolada Dhexe Ayaa Waxaa Dhibaato Kala Kulma Gaadiidka Ku Safra,Waxaana Mararka Qaar Ay  La Kulmaan Burcad Dhac U Geysta,Kuwaas Oo Aysan Jirin Cid Ku Guuleysata In Ay Soo Qabato.