Gaari Qarax Ah oo lagu dilay Sarkaal Iyo Magaalada…

18 total views, 1 views today

Qarax Xoogan Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug, Kaa Oo Jugtiisa Laga Maqlay Inta Badan Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa Oo Dhacay Salaadii Jimco Kadib Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Xaafada Israac, Gaar Ahaan Agagarka Xarunta Cusub Ee Dowlada Hoose Ee Degmada Gaalkacyo.

Qaraxa Oo Aad U Xooganaa Ayaa Waxaa La Xaqiijiyay Inuu Geystay Khasaaro Kala Duwan Oo Soo Kala Gaaray Dadkii Goobta Qaraxa Ku Sugnaa.

Dad Goobta Ku Sugnaa Ayaa Sheegay In Qaraxa Uu Ka Dhashay Dhimasho Iyo Dhaawac, Waxaana Dadka Ku Dhintay Kamid Ahaa Sarkaal Reer Puntland Ah Oo Lagu Magacaabi Jiray Faarax Caato.

Qaraxa Oo Ahaa Mid Lagu Xiray Gaariga Ayaa Waxaa La Sheegay In Ujeedkiisa Uu Ahaa Sarkaalka Ku Dhintay, Halka Dadka Dhaawacmayna Ay Xiligaa Ku Sugnaayen Eeryada Gaariga Qarxay.

Qaraxyada Nooca Lagu Xiro Gaadiidka Iyo Kuwa La Dhigo Goobaha Lagu Shaaho Ayaa Waxaa Sameeya Maleeshiyaadka Al-Shabaab, Wallow Aanu Weli Cid Sheegan Qaraxa.

Geesta Kale, Waxaan Weli Ka Hadal Madaxda Maamulka Iyo Laamaha Amaanka.