Fah Faahino: Qaraxii Lala Eegtay Gaari Ay Saarnaayeen Qeyb Kamida Ciidamada Maamulka Puntland

20 total views, 1 views today

Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Puntland Ayaa Lagu Soo Waramayaa In Qarax Lagula Eegtay Deegaanka Sugurre Ee Duleedka Magaalada Boosaaso.

Qaraxa Oo Ahaa Nuuca Miinada Dhulka Lagu Aaso Ayaa La Kacday Gaari Nuuca Dagaalka Oo Ay Saarnaayeen Ciidamada Puntland,Waxaana Lagu Soo Waramayaa In Qaraxaasi Uu Sababay Khasaaro.

Ciidamada Ku Dhaawacmay Qaraxan Waxaa Loo Qaaday Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari, Welina Maamulka Puntland Kama Aanay Hadal Qaraxan.

Al-Shabaab Ayaa Sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxaasi, Waxaana Ay Sheegeen In Ay Ku Dileen Ciidamo Ka Tirsan Puntland.

Buuraha Galgala Waxaa La Sheegaa Iney Ku Jiraan Dagaalyahanno Ka Tirsanaa Al-Shabaab, Balse Markii Dambe Sheegay Iney Kamid Yihiin Daacish.