Faarax Macallin oo ku baaqay in Somalida iska dhiciso madaxda dowlad Goboleedyada

18 total views, 1 views today

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin ayaa aad u dhaliilay habdhaqanka madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Faarax ayaa sheegay in dadnimo xumo badan ay ka muuqato madaxweynayaasha islamarkaana ay yihiin kuwo u jawaasiis u ah sida uu hadalka u dhigay waddamada cadowga ku ah Soomaaliya.

Faarax ayaa sheegay in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay yihiin kuwo la shaqeeya dowladaha Imaaraadka iyo Itoobiya,waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iska celiyaan.

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ay musuq maasuq miiranyihiin,isaga oo sheegay in mid ka mid ah uu lacag tobaneeyo Milyan oo doollarka Mareykanka ah dhigtay Akoonno uu ka furtay Kenya ilmahiisana ku saxiixday sida uu sheegay.

Faarax ayaa dhinaca kale sheegay in Wasiirradii hore ee dowladda Soomaaliya marka ay kulmayaan shirkooda sameecadda loo furi jiray oo laga dhegeysan jiray Adis ababa iyada oo taas ay ka shaqeynayaan wasiirro taageersan Itoobiya oo ka mid ahaa dowladda Somaliya.