Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxday Askari Ka Tirsan Ciidan Ka Dowlada Oo Lagu Diley Mahaday…

23 total views, 1 views today

Wararka Ka Imanaya Degmada Mahaday Ee Gobolka Sh/Dhexe Ayaa Sheegaya In  Mid Kamid Ah Ciidamada Dowlada Lagu Diley Saaka Degmada Mahaday Ee Gobolka Sh/Dhexe.

Askariga La Diley Ayaa La Sheegay Inuu Ka Ahaa Ilaalo Suuqa Xoolaha Ee Degmada Mahaday Waxana Ay Sheegeen Dad Goobojoogayaal Ah Labo Ruux Oo Ku Hubeysnaa Bastoolado Kuna Yimid Suuqa Mooto Dhugdhugley Ay Toogasho Ku Dileen Askariga Ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Iyagoo Ka Baxsaday Goobta.

Ciidamada Dowlada Oo Gaaray Goobta Uu Dilku Ka Dhacay Ayaa Baaritaano Ka Sameeyey Xaafadaha Ku Dhow Dhow Suuqa Xoolaha Degmada Mahaday.

Wararka Ayaa Sidoo Kale Waxa Ay Sheegayaan In Saaka Waaberigii Ay Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa AMISOM Ay Howlgalo Ka Sameeyeen Deegaanka Buurane Oo Ka Tirsan Degmada Mahaday Ee Gobolka Sh/Dhexe.

Howlgaladan Ayaa Lagu Baaray Goobaha Ganacsiga Iyo Guryaha Ku Yaal Deegaanka Buurane Waxaana Lagu Soo Qabqabtay Howlgalkan Qaar Kamid Ah Dhalinyarada Deegaanka Buurane.

Howlgalkan Ayaa Imanaya Maalmo Kadib Markii Qarax Miino Lagu Weeraray Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Xarun Ku Leh Deegaanka Buurane.

Qaraxa Ayaa La Sheegay In Ay Waxyeelo Ka Soo Gaartay Askar Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Ee Ka Howlgala Deegaanka Buurane Ee Gobolka Sh/Dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.