Faahfaahin duqeyn ka dhacday Koonfurta Mudug

1,064 total views, 4 views today

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan diyaarado duqeeyey degaano hoostaga degaanka Caad ee degmada Xarardheere koofurta gobolka Mudug.

Duqeynta ayaa ka dhacday degaanka Maamiye shalay 5:00 galabnimo, waxaana la sheegay in ku dhawaad 6 Madfac ay diyaarado ku dhufteen labo saldhig oo ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Sidda Warqaat.Com u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Mudug Duqeynta ayaa sii socotay ilaa xalay 8:00PM , waxaana sidoo kale duqeynta lala beegsaday gaadiid dagaal oo ku sugnaa degaanka Caad.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha soo gaaray Ciidanka Al-Shabaab iyo waliba dadka Shacab ah ,maadaama duqeynta ay socotay Waqti dheer.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacday degaanka Maamiye.

Bishii hore October ayey aheyd markii diyaarado duqeeyeen kolonyo gaadiid waday ciidanka Al-Shabaab, duqeyntaas oo Alshabaab kasoo gaaray khasaare badan, waxaana ku dhintay dad ka badan 60 askari.