FAAH FAAHINO:- Nin Kii Dilay Aabihii Oo Maamulka Jubbland Gacanta Ku Dhigtay….

19 total views, 1 views today

(Warqaat.com)-–Gelinkii Dambe Ee Maanta Ayaa Waxaa Deegaanka Buulo Gaduud Ee Jubbada Hoose Wiil Dhalinyaro Ah Uu Ku Diley Aabihiis,Isaga Oo Dilkiisa U Adeegsaday Baangad Oo Uu Qoorta Kaga Jarey.

Deegaanka Buulo Gaduud Oo 30km U Jira Magaalada Kismaayo Oo Ah Halka Falkaasi Uu Ka Dhacay Ayaa Waxaa Gaarey Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Booliska Jubbaland,Kuwaas Oo Durba Gacanta Ku Dhigey Wiilkii Aabihiis Qoorta Ka Jarey.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Aadan Axmed Oo La Hadlay warqaat  Ayaa Waxa Uu Sheegay In Dhacdadaas Markii Lagu Soo Wargeliyey Ay Tageen Goobtii Uu Falka Ka Dhacay,Isla Markaana Ay Gacanta Ku Dhigeyn Wiilkii Aabihiis Dilay Xilli Uu Doonayey In Uu Baxsado.

Waxa Aan Weeydiiney Waxa Kalifay In Uu Wiilkaas Aabihiis Dilo,Ayuu Sheegay In Arrintaasi Ay Haatan Baaritaan Ku Hayaan,Isla Markaana Wixii Ka Soo Baxa Ay warqaat.com Lasoo Wadaagi Doonaan.

Taliyaha Faah Faahin Intaasi Dheeraad Ah Kama Sii Bixin Dhacdadaas,Balse Uu Sheegay In Iminka Ay Gacanta Ku Hayaan Wiilkii Dilka Geystay Cadaaaladana Lahor-Keeni Doono.

Dhcdooyinka La Xiriira Qoor-Goynta Ayaa Bilihii U Dambeysay Kusoo Batay Dalka,Waxana Shalay Xaafada Kaawa-Godey Qeybta Degmada Dharkenley Nin Uu Qoorta Ka Jarey Walaalkiis.