Faah Faahino:-Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Goordhow Lagu Dilay M/Muqdisho

17 total views, 1 views today

Kooxo Ku Hubeysnaa Bustoolado Ayaa Goordhow Waxa Ay Dilka Geysteen Meel Aan Ka Fogeyn Isgoyska Sanca Ee Magaalada Muqdisho.

Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Ayaa La Sheegay In Halkaasi Lagu Dilay,Iyada Oo Dadkii Ka Dambeeyay Dilkaas Ay Goobta Ka Baxsadeen.

Dad Goobjoogayaal Ah Ayaa Waxa Ay Warqaat.com U Sheegeen In Mar Uun Ay Ka War heleen Rasaas Kadibna Ay Arkeen Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Goobta Yaalla.

Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Ayaa Gaaray Goobta Dilka Uu Ka Dhacay Kuwaas Oo Haatan Halkaasi Howlgallo Ka Wada Wallow Aysan Jirin Cid Ilaa Iyo Iyo Hadda Ay U Qabteen Dilkaas.