Faah faahin: Weerar ka dhacay Duleedka Kismaayo

22 total views, 1 views today

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday Qarax oo ka dhacay degaanka Buulo-guduud oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in weerarkan lala begsaday Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ciidamo cadaan ah, kuwaasi oo halkaasi ku socdaalayay.

Wararka laga helayo degaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Kolonyadan lala eegtay Qarax Miino oo lagu aasay wadada, kadibna halkaasi uu dagaal kooban ku dhexmaray Ciidamada weerarka lala eegtay iyo xoogag ka tirsan Shabaab, ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Website-yada Shabaab ayaa lagu baahiyay weerarkan in ay geysteen xoogag ka tirsan Shabaab, kadibna halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray iska hor imaad kooban, Shabaab waxa ay sheegteen in ay khasaare gaarsiiyeen Kolonyada.

Ciidamadan ayaa ka soo baxay magaalada Kismaayo, waxayna ku sii jeedeen degaano duleedka ka ah Kismaayo, balse inta aysan gaarin ayaa weerarka uu qabsaday, Saraakiisha laamaha ammaanka Jubbaland weli ma aysan faah faahin.

Xoogaga Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada nuucaan oo kale ah u dhiga Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee dhaq dhaqaaqyada Millitari ka wada duleedyada Magaalada Kismaayo.