Faah Faahin Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

19 total views, 1 views today

Qarax ismiidaam ah ayaa ka dhacay barkoontarool oo ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka siinka dheer ee duleedka Muqdisho waxaana uu  qaraxu yimid kadib markii  gaari uu waday shaqsi isa soo miidaamiyay uu galay goob gaadiidka lagu baaro oo halkasi ku taala  uuna is qarxiyay

Mid kamid ah dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanka siinka dheer ee duleedka muqdisho ayaa Warqaat.Com u sheegay sida uu qaraxa u dhacay waxaana uu sheegay in inta la ogyahay ay ku dhaawacmeen Sadex qof oo  labo shacab yihiin halka   midka kale uu yahay askari ka tirsanciidanki ku sugnaa barta koontarool ee siinka dheer.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Warqaat.Com u xaqiijiyay in Ciidamada Amaanka kahor tageeen gaari nuuca raaxada ah oo laga buuxiyay walxaha qarxa oo doonayay inuu u gudbo Gobolka Shabeelaha hoose.

Qaraxani oo ah mid loo adeegsaday gaari ayaa waxaa uu imaanayaa xilli ay isa soo tarayaan digniinaha la bixinayo ee ku aadan in ay jiraan  qaraxyo lala damacsanyahay gudaha Magaalada Muqdisho oo ay ugu danbeysay shalay oo ay Qaramada midoobey iyo qaar kamid ah Safaaradaha ku yaala muqdisho ay soo saareen digniin dhanka Amniga ah.

Waxaana dhinaca kale war ay soo saareen Al-shabaab ku sheegteen in ay ka dambeeyeen qaraxa ka dhacay Siinka dheer waxaana ay sheegeen in ay ku dileen in kabadan 20 kamid ah askarta Nabad sigida Soomaaliya oo ku kulansanaa siinka dheer , mana jirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo dhimashada askartaasi xaqiijin karta.