FAAH FAAHIN: Mas’uul Katirsan Gobolka Banaadir Oo Gurigiisa Bam Gacmeed Lagu Weeraray

16 total views, 1 views today

Sida ay sheegayaan Wararka aan ka heleyno Degmada Heliwaa waxaa Xalay Qarax Lagu weeraray Guriga Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Degmadaasi Dhinaca Amniga Abshir Kaaraan.

Weerarkaasi oo ahaa mid loo adeegsaday Bamka Gacanta laga tuuro Ee F1-ta Loo yaqaano ayaa la sheegay in lala Eegtay Guriga Mas’uulkaasi oo Gudaha ay Shabaabku sheegeen in Qaraxa uu galay.

Lama yaqaano khasaaraha ka dhashay Bamkaasi,waxaana uu noqonayaa in labo todobaad gudihiis uu weerarkii 2aad Abshir Kaaraan ka bad baado uu ka wajahayo dhinaca Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale Qaraxyo ayaa ka kala dhacay Xalay Degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan oo lala Eegtay Ciidan katirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa weeraradaasi Qarayada ah oo Ay Sheegteen Ururka Al Shabaab la ogaan karin waxyeelada ka dhashay inkastoo Shabaabku ay leeyihiin dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaartay Ciidankii la qarxiyey.

Amniga Xamar ayaa sii xumaanayey Maalmahaan marka loo eego dilalka iyo Qaraxyada kusoo badanaya,xilli Laamaha Amniga ay ku mashquulsan yihiin sugida Nabad gelyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.