Faah Faahin Laba Ruux Oo Lagu Dilay Degmada Wadajir

19 total views, 1 views today

Xalay fiidkii ayaa la sheegay in Nin hubeysan uu degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir ku dilay laba ruux oo Shacab ahaa.

Dilka ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay Wadada Jid-Cakaaro,waxana Gobjoogayaal ay sheegeen in nin ku hubeysnaa Qoriga ak47 uu dilay Nin Darawal ka ahaa Mooto Bajaaj iyo qof kale oo la socday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dilka kadib uu goobta isaga cararay,iyada oo aan la ogeyn sababta uu u dilay dadkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Goobta gaaray,walow aysan ku guuleysan in ay qabtaan Ninkii ka dambeeyay dilkaas.

Dadka la dilay ayaa dadka deegaanka ay sheegeen in ay ahaayeen Shacab,isla markaana ay Goobta ka qaaten Eheladooda,welina wax war ah dilkaas kama soo saarin Maamulka degmada Wadajir.