Faah faahin: Ganacsadaha maanta lagu dilay Muqdisho

2,504 total views, 3 views today

(Warqaat.com)—Kooxo hubaysan ayaa duhurnimadii maanta gudaha suuqa Bakaaraha ku toogtay nin lagu magacaabi jiray Nuur Khayre Guutaale oo ka mid ah ganacsatada Suuqaasi.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Shirkadda Dahabshiil ee Suuqa Bakaaraha oo ku taalo wadada labaad ee Suuqaasi.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobtii ay ku dileen marxuumka, waxaana goobta tagay ciidamo ka tirsan booliska dowladda federaalka Soomaaliya oo goobtaasi ka qaaday maydka marxuumka.

Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilkan ayaa waxa ay tilmaameen inuu qeyb ka yahay ugaarsiga ay ku hayaan ergada ka qeyb gashay Doorashadii xildhibaanada Baarlamaanka ee ka kala dhacay degaanka doorashooyinka dalka.

Shabaab ayaa horey ugu goodiyay inay beegsanayaan dadkii ka qayb galay doorashooyinka Xildhibaanada ee ka kala dhacay degaanada doorashooyinka dalka, waxaana Muqdisho horey loogu dilay dad badan oo ka mid ahaa Ergada.