Faah Faahin Dilka Dhacay Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir

20 total views, 2 views today

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa degmada Wadajir ee gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Askari ka tirsana Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya.

Dilka ayaa wuxuu si gaar ah kaga dhacay Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir, kadib markii dableyda hubaysan ay beegsadeen Askarigaan kadibna ay ka qaateen qorigii uu watay.

Dadka deegaanka, ayaa waxa ay sheegeen raggii ka dambeeyay dilka askariga inay goobta ka baxsadeen, isla marakana ay raaceen mooto Bajaaj.

Todobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dilalka qorsheysan ee loo geysanyo Askarta ciidamada dowaldda Soomaaliya,waxana dilalkaas amsuuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.

Maamulka degmada Wadajir ayaan xiriir la sameynay si aan faah faahino dheeraad ah uga ogaano dilkaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.