Eritrea oo maanta Cunaqabateynta hubka laga qaadayo

992 total views, 1 views today

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay u codeeyaan in dowladda Eritrea laga qaado cunaqabateynta hubka ee horay loogu soo rogay.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in kala diray Kooxdii Dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsaneyd Qaramada Midoobey.

15ka Dal ee Xubnaha ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo jeediyay in cunaqabateynta hubka laga qaado dowladda Eritrea ,waxaana ay u baahantahay kaliya 9 cod oo ka mid ah 15ka Cod.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa Eritrea cunaqabateyn saaray sanadkii 2009kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku heysay dalalka deriska la ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay AL-shabaab taageerto.

Eritrea ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana Qaraar Qabyo ah oo ay soo gudbisay Dowladda Ingiriiska la isku raacay in maanta cunaqabateynta Hubka,Socdaalka iyo dhaqaale laga qaado Eritrea.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u ololeeyay in dowladda Eritrea laga qaado Cunaqabateynta Hubka, ka dib markii uu heshiis dhexmaray Eritrea iyo waliba dowladda Itoobiya.