SAWIRRO: Eng Yariisow Oo Booqday Xarunta Dowlada Hoose Ee Muqdisho Iyo Taabit Oo…

19 total views, 1 views today

Guddoomiyaha Gobolka Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Oo Ay Weheliyaan Ku Xigeenadiisa Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xarunta Dowladda Hoose Ee Magaalada Muqdisho.

Eng Yariisow Iyo Mas’uuliyiintii La Socotay Ayaa Waxaa Halkaa Ku Soo Dhoweeyay Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Mudane Thaabit Cabdi Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabad Uu Xilka Si Rasmi Ah Ugula Wareegayo Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Eng Yariisow Ayaa Lagu Wadaa In Caawa La Qabto Waxaana Socda Diyaargarowgii Ugu Dambeeyay Ee Munaasabada Xil Wareejinta Iyadoo Guddi Uu Dhowaan Magacaabay Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Ay Isku Duwayeen Qaabka Ay Noqonayso Xaflada Xil Wareejinta Iyo Sagootinka Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yarisow Oo Muddo Dheer Ka Soo Shaqeeyay Dowlada Hoose Ee Magaalada London Oo Ka Mid Ah Magaalooyinka Caalamka Ugu Casrisan Ayaa Laga Rajeynayaa In Uu Isbedel Wanaagsan Ku Sameeyo Gobolka.