Duuliyihii Ugu Horeeyay Ee Soomaaliya Oo Geeriyooday

27 total views, 1 views today

Allaha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho saakay ku geeriyooday duuliyihii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Duuliye sare Maxamuud Cabdullaahi Barre (Faytaan).

Duuliye Feytaan ayaa la sheegay in uu waayadaan xanuunsanaa,balse saakay uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho,isaga oo sidoo kale ka mid ahaa Aas-aasayaashii Shirkaddii Somali Airlines oo ay laheyd Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa kooxdii lagu aasaasay ciidamada cirka jamhuuriyadda Soomaaliya, laysinka duulimaadka diyaaradaha waxaa uu qaatay 1954tii, isaga oo intaasi wixii ka dambeeyay caan ku ahaa duulinta, waxaa uu sameeyay duullimaadyo isugu jiray mileteri iyo rayid.