Duqeyn Lala Eegtay Saldhig Al-Shabaab Ku Lahaayeen Gobolka Hiiraan….

17 total views, 1 views today

Wararka Ka Imaanaya Degmada Buulo Burde Ee Gobolka Hiiraan Ayaa Sheegaya In La Duqeeyay Saldhig Al-Shabaab Ku Lahaa Deegaan Lagu Magacaabo Wardiinle, Iyadoo Aheyd Duqeyn Bartilmaameed Ah.

Dadka Deegaanka Buulo Burde Ayaa Sheegaya In Duqeynta Ay Dhacday Habeenkii Xalay Ahaa, Isla Markaana Ka Hor Inta Aanay Diyaaradaha Duqeynin Ay Dhowr Jeer Dul Heehaabeen.

Lama Oga Illaa Iyo Hada Khasaaraha Ka Dhashay Duqeynta Cusub Ee La Rumeysan Yahay In Diyaaradaha Aan Duuliyaha Laheyn Ee Mareykanka Ka Geysteen Gobolka Hiiraan.

Maalmihii La Soo Dhaafay Ayaa Waxaa Isa Soo Tarayay Warar Sheegaya In Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Ay Ku Jiraan Saraakiil Sar Sare Ay Gaareen Deegaano Ka Tirsan Gobolada Dhexe, Iyagoo Ka Baxsanayay Duqeymaha Ka Dhacayay Koofurta Soomaaliya.

Habeen Hore Ayay Aheyd Markii Diyaaradaha Aan Duuliyaha Laheyn Ee Duqeyn La Beegsadeen Gaari Siday Khudaar Oo Ku Sugnaa Deegaanka Mubaarak Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Iyadoo War Ka Soo Baxay Taliska Mareykanka Ee Afrika Lagu Sheegay Inay Beegsadeen Gaari Waxyaabaha Qarxa Laga Soo Buuxiyay Oo Ku Socday Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.