Duqeyn lagu dillay Xubno Shabaab ah oo ka dhacday Jubada hoose.

841 total views, 2 views today

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay deeganka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka lagu sheegay waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay in imika ay qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale. Sida aay shegen