Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed Oo La Kulmay Xildhibaanada Muddulood

18 total views, 1 views today

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed Ayaa Xalay Kulan Casho Ah La Qaatay Xildhibaanada Iyo Senator Ka Soo Jeeda Beesha Muddulood, Iyadoo Kulankan Uu Ahaa Mid Is Xog Wareysi Iyo Kala War Qaadasho.

Kulankan Ayaa Ka Dhashay Gogol Uu Maalintii Jimcihii Dhigay Xildhibaan C/Qaadir Cosoble, Kaasoo Looga Hadlay Sidii Xildhibaanada Ay Ugu Guntan Lahaayeen Waxqabashada Xaaladaha Ka Jira Deegaanada Ay Ka Soo Jeedaan, Maadaama Ay Muddo Sanad Ka Soo Wareegatay Doorashadooda.

Kulankii Xalay Ayaa Ka Dhacay Hoyga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Waxaana Uu Labada Dhinac Xildhibaanada Labada Gole Iyo Guddoomiyaha Ka Wada Hadleen Xaalada Guud Ee Gobolka Iyo Deegaanada, Wax Ka Qabashada Cabashooyin Maalmahan Isa Soo Tarayay.

Sidoo Kale Waxaa Laga Wada Hadlay Sidii Arrimaha Maqaamka Caasimadda Iyo Ammaanka Looga Shaqeyn Lahaa, Isla Markaana Guddoonka Gobolka Iyo Xildhibaanada Labada Gole Ee Beesha Muddulood U Dhex Mari Laheyd Wada Shaqeyn Dhow Ah.

Waxaa Lagu Balamay Kulamo Kale Oo Labada Dhinac Dhex Maro, Sida In Bishiiba Mar La Kulmo Oo La Kala War-Qaato, Si Ay U Sii Socoto Wada Shaqeynta.

Kulankan Ayaa Noqonaya Kii U Horeeyay Ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir La Qaato Inta Badan Xildhibaanada Labada Gole Ee Beesha Muddulood, Inkastoo Ay Jireen Kulamo Horay U Dhex Maray Oo Gaar Gaar Ahaa, Kaasoo Ay Qeyb Ka Ahaayeen Duubabka Dhaqanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.