Dowladda Kenya Oo Xaqiijisay In Labo Ka Mid Ah Muwaadiniinteeda Al Shabaab Ay Ku Toogteen Soomaaliya…

23 total views, 1 views today

Dowladda Kenya Ayaa Sheegtay In Dhawaan Al Shabaab Ay Toogteen Labo Muwaadin Oo U Dhashay Kenya, Kuwaas Oo Ka Tirsanaa Xarakada Al Shabaab Ee Ka Dagaalama Soomaaliya.

Sirdoonka Kenya Ayaa Xusay In Ragga La Dilay Oo Ka Tirsanaa Al Shabaab In Lagu Eedeeyay In Ay U Basaasayeen Dowladdaha Kenya Iyo Soomaaliya.

Labadaasi Muwaadin Oo Magacyadooda Lagu Sheegay Xassan Yuusuf Iyo Maxamed Xasan Kana Soo Jeeda Deegaanka Marsabit Ee Dalka Kenya Ayaa Waxaa Dhawaan Xukun Dil Ah Ku Fulisay Maxkamad Ay Leeyihiin Al Shabaab.

Sirdoonka Dowladda Kenya Ayaa Xaqiijiyay Dilka Labadaasi Nin Oo Ay Sheegeen In Lagu Dilay Goob Fagaare Ah Oo Ku Taalla Koonfurta Soomaaliya.

Kenya Ayaa Sheegtay In Al Shabaab Ay Sanadihii La Soo Dhaafay Toogteen Muwaadinin Badan Oo Ka Soo Jeeda Dalkaasi,  Kuwaas Oo Lagu Eedeeyay Falal La Xariira Basaasnimo.

Saraakiil Ka Tirsan Dowladda Kenya Ayaa Hore U Sheegay In Muwaadinin Ka Soo Jeeda Dalkeeda Kana Tirsanaa Al Shabaab In Ay Soo Gaareen Gudaha Dalkaasi Kuwaas Oo Ka Baqday In Ay Dilaan Al Shabaab.