Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Bayaan Ka Soo Saartay Go’aankii Donald Trump Ee Magaalada Qudus

16 total views, 1 views today

Dowladda Federaalka Ayaa Caawa Bayaan Ka Soo Saartay Go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Uu Ugu Aqoonsaday Magaalada Barakeysan Ee Qudus Inay Tahay Caasimadda Israel.

Bayaan Oo Ay Soo Saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ayaa Walaac Looga Muujiyay Go’aanka Haliska Ah Ee Uu Qaatay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Akhri Bayaanka Kasoo Baxay Dowlada Soomaaliya

Bayaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Ee Ku Aaddan Go’aanka Maraykanka Ee Magaalada Barakaysan Al-Qudus

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxa Ay Si Dhow Ula Socotay, Iyada Oo Ka Walaacsan Go’aanka Halista Ah Ee Uu Qaatay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump Kaasoo Uu Ugu Aqoonsaday Magaalada Barakaysan Ee Al-Qudus In Ay Caasimad U Tahay Israa’iil.

Waxaan Ugu Baaqaynaa Dowladda Maraykanka In Ay Si Dhab Ah Uga Fiirsato Halista Go’aankan Uu Ku Leeyahay Mustaqbalka Dalalka Bariga-Dhexe Iyo Guud Ahaan Caalamka.

Sidoo Kale, Soomaaliya Waxa Ay Ugu Baaqaysaa Dalalka Carabta, Islaamka Iyo Guud Ahaan Caalamka In Ay Sii Laba-Laabaan Dadaalkooda Ku Aaddan Xal U Helista Qadiyadda Falastiin Si Looga Gudbo Xasillooni Darrada Haraysay Gobolka.

Dowlada Soomaaliya Ayaa Ah Mid Markasta Diyaar Ula Ah Dadka Reer Falastiin Taageero

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.