Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Duqeyn ka dhacday Gobalka Mudug.

439 total views, 1 views today

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo dagaalamayasha Al-shabaab ay ku la haayeen Gobolka Mudug.

“Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helay Ciidamada Maraykanka ayaa weerar qorshaysan Ka fuliyay fariisimo Alshabaab Ku lahaayeen Gobolka Mudug.

Goobta uu hawlgalku Ka dhacay waxaa ay Ka tirsantahay Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Al-shabaab ayaa saldhigaan Ka abaabulayay Weeraro Ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed waxaana loo gaystay waxyeelo baahsan oo lagu Kala dhantaal qorshahooda gurracan ayaa lagu yiri warsaxaafadeeedka

Weerarkan waxaa Ku dhafwaayay Saraakiil iyo dagaalamayaal Ka tirsan Al-shabaab, mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.