Dowlada Somaliya Oo Dowlad Goboleedyada Qaar Lacag Siisa Kuwana Sabab Layaab Leh Ugu Diiday…

32 total views, 1 views today

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle Ayaa Sheegay In Dowladda Federaalka Ah Aysan Dhaqaale Siinin Dowlad Goboleedyada Leh Dekadaha Ee Uu Dakhliga Gudaha U Soo Xaroodo.

Wasiirka Ayaa Sheegay In Dowladda Dhexe Ay Kaliya Lacag Miisaaniyadeed Siiso Dowlad Goboleedyada Aan Lahayn Dekadaha.

Waxaa Uu Intaas Ku Daray In Dowlad Goboleedyada Ay Kala Dhaqaale Badanyihiin Islamarkaana Kuwa Dekadaha Leh Ay Helaan Dhaqaale Ka Badan Kuwa Kale Ee Aanay Dekadahooda Shaqeyneyn.

Dhinaca Kale Wasiir Beyle Ayaa Sheegay In Xerada Xalane Sharikado Ganacsi Oo Ka Howlgala Ay Canshuur Ku Rogtay Dowladda Soomaaliya Loona Baahanyahay In Ay Bixiyaan.

40 Shirkadadood Oo Ay Leeyihiin Dad Isugu Jira Soomaali Iyo Ajaanib Ayuu Sheegay In Ay Shaqeeyaan Xerada Xalane,Kuwaas Oo Hadda Diiwaankooda La Buuxiyay Canshuurna Laga Doonayo.

Wasiirku Waxaa Uu Raaciyay In Haddii Canshuurta Laga Waayo Dadka Ajaanibta Ah Ay La Tiigsanayaan Xeerarka U Yaalla Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.