Dowlada Somalia Oo Ka Hadasha Weerarka Cirka Ah Oo Shabaab Looga Dilay 100-Dagaalame…

23 total views, 1 views today

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska XFS, Mudane C/Raxmaan Cumar Yariisoow Ayaa Sheegay In Ciidamada Mareykanka Oo Kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Duqeyn Ay La Beegsadeen Xero Tababar Oo Ku Taalla Deegaan Lagu Magacaabo Buur Ceelcade Oo Hoos Taga Degmadda Diinsoor Ee Gobolka Baay.

Wasiirka, Ayaa Xaqiijiyey In Duqeyntaasi Lagu Dilay Ku Dhawaad Boqol Dagaalyahano Oo Isugu Jiray Askar Iyo Hoggaamiyeyaal.

“Dowlada Federaalka Waxaa Ka Go’an Dardargelinta La Dagaalanka Al-Shabbab Oo Saakay Duqeyn Xero Tababar Ee Buur Ceelcade Ee Degmada Diinsoor Ayaa Looga Dilay 90 – 100” Ayuu Yiri Wasiir Yariisow.

Taliska Mareykanka Ayaa Sheegay Duqeyn Diyaaradaha Aan Duuliyaha Laheyn Ay Ka Fuliyeen Gobolka Baay Barkhanimadii Shalay In Lagu Dilay 100 Dagaalame Oo Ka Tirsan Shabaab.

Afhayeen U Hadlay Shabaab Ayaa Wuxuu Sheegay Inaanay Jirin Duqeynta Mareykanka Ay Sheegeen In Ay Ka Fuliyeen Gobolka Baay Wax Khasaare Ah Oo Lagu Gaarsiiyay Dagaalyahanada Shabaab.

Wuxuu Kaloo Sheegay Afhayeenka U Hadlay Shabaab Warka Ka Soo Baxay Mareykanka Inuu Yahay Mid Been Abuur Ah Oo Aanay Waxba Ka Jirin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.