Doorashada Kursigii Xildhibaannimo Ee Sanbaloolshe Oo Berri Laqabanay Iyo Liiska Utar Tamaayo.(Magac Yadooda)

16 total views, 1 views today

Waxaa Maalinta Berri Oo Sabti Ah Lagu Wadaa In Magaalada Jowhar Ka Dhacdo Doorashada Kursiga Xildhibaanimo Ee Beesha Cali Madaxweyne, Kaasoo Uu Mar Kale Dib Ugu Tartami Doono C/Llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Oo Horay U Waayay Kursigan Markii Loo Magacaabay Xilkii Taliyaha Nisa.

Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaran Ayaa Ku Howlan Diyaarinta Doorashada Kursigan, Waxaana Magaalada Jowhar Ku Qul Qulaya Musharaxiinta Ku Tartamaya Kursigaas Oo Gaaraya Illaa Lix Musharax Oo Mid Ka Mid Ay Tahay Dumar.

Lixda Musharax Ee Kursiga Ku Loolamaya Ayaa Iska Diiwaan Geliyay Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaran, Kuwaasoo Buuxiyay Shuruudihii Looga Baahnaa, Sida Lacagaha Laga Rabo Musharaxiinta Ee Shanta Kun Oo Dollar ($5,000)

Ergooyinka Dooranaya Kursiga Xildhibaanimo Ayaa Ku Sugan Magaalada Jowhar, Waxaana La Filayaa In Tartanka Kursigan Uu Ka Mid Noqday Tartamada Ugu Xamaasada Badan, Marka Loo Eego Xilliga Uu Ku Soo Aaday.

Sanbaloolshe Oo Kursigan Xildhibaanimo Ee Beeshiisa Ku Guuleystay Sanadkii 2016 Ayaa Mar Kale U Cad Cad, Hase Ahaatee Waxaa Loolan Kala Kulmayaa Musharaxiin Ay Isku Heyb Yihiin, Kuwoo Horay Uga Soo Muuqday Xilal Kala Duwan.

Musharaxiinta Ugu Cad Cad Kursigan Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Madaxweynihii Hore Ee Hirshabeelle Cali C/Llaahi Cosoble, Daahir Cabdulle Cawaale Oo Ka Mid Ahaa Musharaxiinti Isku Soo Sharaxay Doorashadii Sanadkii Hore Ee Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle Uu Ku Guuleystay Maxamed Cabdi Waare, Nuur Iidow Beyle Oo Ahaa Xildhibaan Baarlamaankii 9aad.

Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta Ku Tartamaya Kursiga Xildhibaanimo Ee Golaha Shacabka Beesha

1- C/Llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

2- Cali C/Llaahi Cosoble

3- Dahir Cabdulle Cawaale

4- Nuur Iidow Beyle

5- Dahabo Xasan Axmed

6- Xuseen Axmed Geelle