Doorashada koofur Galbeed oo la filayo in ay dhacdo Dhamaadka Bishan.

1,159 total views, 1 views today

Xildhibaan Nuur Ibraahim oo ka mid ah gudiga doorshada madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa waxaa uu ka warbixiyay xiliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in doorashada ay dhici doonto 28 bishan, iyadoona Gudiga maanta la filayo in ay kulan yeesheen.

Warar Hoose ayaa sheegaya in maanta ay kulan yeelan doonaan Xubnaha ka tirsan Gudiga Doorashada ee Maamulka koofur Galbeed, iyagoona dooran doono Gudoomiye, xigeen iyo xoghaya Doorashada ee Maamulkaasi.

Doorshada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa Horey lagu balansanaa in ay dhacdo 17 bishan, iyadoona ay baaqatay, waxaana arintan loo sababay in ay tahay kadib markii xubno badan oo ka tirsan Gudigga Doorashada ay iscasileen.

Musharixiin aad u fara badan ayay waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.