Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo duqeyn ka geestay Sh/Hoose.

11 total views, 1 views today

Taliska Ciidamadda Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in uu fuliyay Howlgal uu ku caawinayo Ciidamada Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya kaas oo laga sameeyay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya waxay fuliyeen Duqayn ka dhan ah Al-shabaab Subaxnimadii 19 kii March oo ahayd Isniintii lasoo dhaafay waxayna ka fuliyeen Meel u dhow Deeganka Mubaarak,waxaana halkaas ku dhintay Labo Dagaalame, Sadax kale waa ay ku dhaawacmeen, sida lgu Daabacay Barta uu Internet-ka ku leeyahay Howlgala AFRICOM.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Duqayntooda ay ku burburiyeen Gari ay Wateen Dagaalamayaashii ay beegsadeyn.

Ciidamadda Mareykanka waa ay sii wadi doonaan tilaabo kasta oo loo ogolyahay kuna haboon ilaalinta Muwaadiniinta Mareykanka iyo burburinta Qatarta Argagixisadda ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Taliska Qaarada Africa uu Mareykanka ku leeyihiin.

Dowladda Mareykanka waxay kordhisay Duqaynta ay ka fulineyso Soomaaliya waxayna Duqaymaheeda Badanaa lala beegsadaa Al-shabaaab, waxaa jiray Duqamo Dhif ah oo Mareykanka uu la beegsaday Daacishta ka Dagaalama Soomaaliya.