Dil Aad Looga Naxay Oo Xalay Koonfur Afrika Loogu Geestay Labo Wiil Oo Walaalo Ah

29 total views, 2 views today

Wararka Aan Ka Heleyno Dalka Koonfur Afrika Ayaa Sheegaya In Xalay Deegaan Hoos Taga Magaalada Johanesburg Lagu Dilay Labo Wiil Soomaali Ah Oo Wada Dhashay, Kadib Weerar Ay Kooxo Burcad Ah Ku Qaadeen Goob Ganacsi Ay Ku Sugnaayeen.

Kooxda Burcada Ayaa Dil U Geesatay Labo Wiil Oo Soomaali Wada Dhashay Kuwaa Oo Ku Sugnaa Dukaanka La Weeraray Sida Ay Ku Warameen Xubno Katirsan Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Koonfur Afrika.

Labada Wiil Ee La Dilay Ayaa Magacyadooda Lagu Sheegay Cumar Salaad Iyo Liibaan Salaad, Waxa Ayna Labadan Wiil Xalay Xiligii La Dilayay Ku Sugnaayeen Xarun Ganacsi Ay Ku Lahaayeen Deegaan Hoostaga Magaalada Johannesburg.

Soomaalida Kunool Dalka Koonfur Afrika Ayaa Si Weyn Uga Naxay Dilkan  Argagaxa Leh  Ee Xalay Loo Geestay Wiilashadan Wada Dhashay, Waxaana Dhacdadan Murugada Leh Si Weyn Looga Hadal Hayaa Guud Ahaan Dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika Waxaa Noloshooda Ku Waayay Kumanaan Qof Oo Dalkaasi U Raadsaday Nolol Dhaanta Tii Ay Dalkooda Uga Carareen, Waxaana Koonfur Afrika Noqotay Goob Lagu Gumaado Soomaalida Nolosha Dalkaasi U Raadsatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.