Dig Niin Loodiray Muwaadiniinta Udhasheen Dalka Ingiriiska Iyo Safarka Dalka…

16 total views, 1 views today

Digniin Cusub Ayaa Soo Baxday Oo Sheegeysa Inay Ku Wajahan Tahay Muwaadiniinta Udhashay Waddanka Ingiriiska Kuna Saabsan Inay Ka Digtoonaadaan Safarka Ay Ku Aadayaan Kenya.

Waxay Taasi Ka Dambeysay Markii La Dareemay Cabsi Ah In Munaasabada Caleemo Saarka Uhuru Kenyatta Oo Dhawaan Dhaceysa Ay Suurta Gal Tahay In Rabshado Ka Dhacaan Dalkaasi.

Dadka Udhashay UK Ayaa Looga Digay Inay Usocdaalaan Ka Hor Munaasabadaasi Caleemo Saarka Ah Ee Kenyatta Loo Qabanaayo Maadaama Mar Kale Dhawaan Loo Doortay Xilka Madaxweynaha Dalkaasi.

Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Ingiriiska Ayaa Ka Hadlay Arintaan Iyagoo Sheegay In Laga Cabsi Qabo Rabshado Hareeya Dalkaasi Inta Caleemo Saarka Jiro Ay Waxyeelo Shacabka Kasoo Gaari Karto.

Talaadada Isbuuca Dambe Ayaa La Filayaa Inay Qabsoonto Munaasabadaasi Caleemo Saarka Uhuru Kenyatta Loo Qabanaayo Islamarkaana La Sheegay In Ay Ka Dhici Doonto Nairobi Ayna Madax Kala Duwan Ka Qeyb Noqon Doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.