Dibad Baxyo Cusub Oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Oramiya…

22 total views, 2 views today

Wararka Ka Imaanaya Dalka Itoobiya Ayaa Waxa Ay Shegayaan In Saddex Maalmood Ah Ay Ka Soo Horjeedaan Dowlada Ayna Mudaharaadyo Ay Ka Wadaan Gobolka Ugu Wayn Ethiopia Ee Oromiya, Kuwaas Oo Dalbanaya In La Sii Daayo Dhamaan Siyaasiyiinta Iyo Warfidiyeenkii La Xidhay Intii Ay Socdeen Rabshado Dalkaa Ka Dhacay Laba Sano Ka Hor.

Wadooyin Badan Ayaa La Xidhay Goobaha Ganacsiguna Waa La Xayiray Markii Shalay Isniintii Uu Bilaabmay Mudaharaadku.

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Ethiopia Ayaa Sheegay In Dhamaan Eeday Mihii Lagu Soo Oogay Siyaasi Mucaarad Ah Oo Aad Loo Yaqaan Oo La Yidhaa Bekele Gerba La Yidhaa La Laalay Kuwaas Oo Ahaa Kicin Dadweyne Iyo Horseed Qalalaase.

Sannadkii 2016-Kii Ayaa Xaalad Degdeg Ah Lagu Soo Rogay Dalka Waxaana La Xidhay Tobanaan Kun Oo Dad Bannaan Baxayey Ah.