Dhisidii Kacbada Iyo Qeybtii-8

35 total views, 1 views today

Rasuulku Markay Da’diisu Maraysay 35 Ayaa Waxa La Xaday Khasnadihii Kacbada Kadibna Reer Qureesh Waxa Asiibay Warwar Waxayna Is Waydiiyeen Sidee Loo Dhacay Khasnadii Kacbada!

Kadiban Waxay Go’aansadeen Inay Dhisaan Kacbada Hase Ahaatee Waa In Kacbad La Dumiyo Si Loo Sameeyo Sees Adag. In Ladumiyo Kacbad Ayaa Ku Adkaatay Waxaana Mucjiso Noqotay In Abeeso Wayni Ka Soo Baxday Kacbada, Muddo Waxay Ka Cabsadeen Ayaa Eebe Usoo Diray Shinbir Wayn Oo Qaadatay Abeesadii Markaasbay Fahmeen In Loo Idmay Inay Dhisaan Kacbada.

Dhismahii Kacbada Ayaa Lagudo Galay Ayadoo La Keenay Looxyo Badda Ka Soo Caaryey, Waxa Ka Nijaar Ahaa Nin Qibdiya Oo Daganaa Magaalada Makkah Oo Cilmi U Lahaa Dhismaha.

Dhibta Ugu Badan Ayaa Ahayd Sida Loo Duminayo Kacbada, Si Kastaba Ha Ahaatee Waliid Ibnu Muqiira Ayaa Ku Dhiiraday Inuu Dumiyo Kacbada Markuu Ku Guulaysatay In Uu Burburiyo Qayb Ka Mid Ah Kacbada Ee Uu Wax Ciqaab Ahina Ku Soo Dagi Waayey Ayey Reer Qureesh Fahmeen In Loo Ogolyahay Dhismaha Kacbada.

Nin Ka Mida Odayaashii Reer Qureesh Ayaa Ku Guubaabiyey Qoomkiisa Inaanay Xoolo Xaaran Ah Ku Dhisin Kacbada Maadama Ay Tahay Meel Muqdas Ah. Reer Qureesh Waxay Ururiyeen Lacag Iyo Xoolo Xalaal Ah Oo Aanay Ku Jirin Ribo Iwm.

Kacbada Markii La Dumiyey Ayey Ugu Tageen Seeskii Dhagxaan Midabkoodu Yahay Cagaar Kadib Markay Sabarada Ku Dhufteen Si Ay U Kala Fujiyaan Dhagxaanta Is Haysata Ayaa Magaalada Makkah Oo Dhani Gariirtay Kadibna Faraha Ayey Ka Qaadeen Oo Dhiseen Intay Awoodayeen Sidaa Awgeed Qaybkacbada Ka Mid Ah Ayey Ka Tagaan Walina Waa Sidii Ay Uga Tageen Lamana Dhisin Oo Waxay Ka Tirsantahay Kacbada.

Kacbadii Dhismaheedii Markii Laga Farxashay Ayaa Qabiiladii Daganaa Magaalada Makkah Isku Qabteen Sharafta Cida Saaraysa Dhagax Al-Aswad (Madaw) Meeshii Loogu Talo Galay. Markay Isku Mari Waayeen Ayaa Odaygii Ugu Da’da Waynaa Abu Umaya Ibnu Muqiira Ayaa Ku Taliyey Inay Cidii Albaabka Kasoo Gasha U Gar Dhiibtaan Waxa Uu Eebe Damcay Inuu Noqdo Ruuxaasi Nabi Muhamad, Isla Markay Arkeenba Way Wada Aqbaleen Ayagoo Ku Ogaa Run Sheegiisa Iyo Daacadnimadiiisa.

Nabigu Si Uu Uqanciyo Dhammaan Qabiilada Oo Dhan Ayuu Ku Yidhi Waxaad La Kaalaydaan Go’ Kadibna Dhagaxa Hoos Dhiga Kadibna Qabiilkastaa Hareer Ha Qabto Sidaasbay Qabiilkastana Sharafta Ku Qaadanayaan.

Markay Madaxdii Qabiiladu Qaadeen Dhagaxii Ayuu Nabigu Gacantiisa Ku Dhigay Meeshii Loogu Talo Galay, Sidaas Ayeyna Dhammantood Ku Qanceen Kuna Farxeen Xikmadii Ka Burqanaysay Nabiga (N.N.K.H).

ka Akhriso qeybtii 7

ka Akhriso 6

halkaan ka akhriso Qeybtii 5

halkaan ka akhriso Qeybtii 4

halkaan ka akhriso Qeybtii 3